baro cilmiga computer ka

Cilmiga Kombuyuutarka: Barashadiisa iyo Waxay Kaaga Baahantahay

 

Waxaan jeclahay qoraalkan gaaban inaan ku soo koobo inta suura galka ah waxay tahay maadadii aan afartii sanno ee la soo dhaafay dhiganayay oo ah Computer Science, wixii caqabado aan la kulmay, waxyaabaha aan u arko in ciddii danaynaysa ay u baahan tahay inay ogaato si ay si guul leh ugu dhamaysato barnaamijka Bachelor of Science in Computer Science.

Computer Science, inta aan ka garanayo ama ay ku kooban tahay aqoontayda aan u leeyahayi, waa laan cilmiyada la barto ka mid ah oo qaybo badan leh, loona aqoonsaday laan cilmiyeed oo si rasmi ah loo barto 1960meeyadii. Waxa uu galay hadda computer ka barashadiisu meelo badan, oo maaha waqtigan la joogo wax computer la xiriira barashadoodu wax u khaas ah dadka computer science ka barta oo kaliya. Tusaale ahaan ardayda Business ka baranaysa maadooyin dhawr ah oo computer la xiriira oo ay bartaan

Dhanka kalena computer science ku ma aha kaliya barashada computer ka iyo waxa la xiriira, waxana la aaminsanyahay inuu xiriir aad u weyn la leeyahay Xisaabta (Mathematics) iyo barashadeeda, illaa heer jaamacado badan ay is raaciyaan labada qaybood oo ay u xilsaaraan hal faculty ama department labadaa maaddo dhigistooda iyo wixii la xiriira.

Intaa hadaan ka soo qaadno inay tahay hordhac, hadaba computer science muxuu sidiisu khuseeyaa oo uu yahay? Computer science waa barashada qawaaniinta ama sharciyada wax xisaabinta iyadoo la isticmaalayo qalabkaa elektroonik-ga ah (computer ka), waxayna nagu caawisaa si aan u fahanno sida computers-ku ay u xaliyaan masaa’isha xalka u baahan, noocyada uu xalin karo, iyo mas’aladii sidii computer ka loogu dhiibi lahaa si uu u xaliyo. Waxa sal u ah fikrado theoretical ah iyo asaas xisaabeed. Waxa lagu sheegaa in computer science ku uu keenay fikradaha iyo principles ka uu ku dhisan yahay ama abuuray cilmiga Information Technology-gu. Badanaana waa laysku khaldaa oo faraqa u dhexeeya labada field waxa ka jira doodo badan.

Manaahijta ama sylubus ka jaamacaduhu badanaa laba waji ayay ku bixiyaan barnaamijka computer science ka:

Qaar xoogga saara maadada qaybteeda theoretical ka ah, oo badanaa dhiga courses la xiriira algorithms ka iyo theory-ga computation ka

Qaar xoogga saara barnaamij qoridda (computer programming) iyo courses ka la xiriira, taasoo u diyaarinaysa ardayga dhanka camaliga iyo suuqa barnaamijyada inuu galo.

Waxayse dhammaan ka wada siman yihiin manaahijta rasmiga ah ee computer science ku inay ardayga ka dhisayaan laamaha kala duwan ee cilmigu uu leeyahay iyo mathematical reasoning ka, taasoo u suurogalinaysa qofka inuu noqdo qof xal abuura ama solutions provider waxay u yaqaanaan isagoo u isticmaalaya qalabka computer ka si xalkaas uu u hirgeliyo.

Badanaa waxa ay dadku ku khaldaan qofka computer science ka barta inuu yahay programmer ama qof yaqaan sida barnaamijyada computer ka loo qoro. Inkastoo ay gartood tahay dadkaa maadaama manhajkii uu u muuqdo sidii inuu xoogga saarayo dhanka programming ka, hadana waxa jira faraq weyn. Qofka programmer ka ahi caadiyan waa qof yaqaan sida loo isticmaalo barnaamijyada computer ka lagu program-gareeyo; oo kama badna xal laga soo fekeray iyo dariiqooyin xaleed ay dad kale ka soo fekereen (algorithms) inuu u badalo mid shaqaynaya una jira barnaamij ahaan. Dhanka kale qofka computer science ka bartay, waa inuu noqdaa programmer ama qof luqadaa isagu yaqaan isticmaalkooda iyo wax ku program-garayntooda.

Qofka barta computer science ku hadaan Somali nahay waxa laga yaabaa inay noogu muuqan in uu wax badan wadanka u qaban karo ama, waa midda noo muhiimsan badankeene, uu wax badan ka qabsan karayn. Waxaan aaminsanahay si kastoo dhulkii u qasan yahay, in waligeed iyadoo ay sedan iska ahayd horumar ku dhankiisa ka socday. Dadkii waxaad u malaysaa inay sii fahmayaan in nidaamyadoodii la wada badalo kuwo computerized ah ay ku jirto faaiido badan. Xitaa dawladdii aan wali salka yeelan ayaa nidaam computer oo loo isticmaalo passports ka iyo control-kooda ayaa lacag badan looga bixiyay. Ixtimaalaatka iyo fursaduhu ma yara, inkastoo rajo badan wadankii ay ka muuqan.

Si fikrad aan uga qaadanno qofka barta computer science noocyada shaqooyinka u qaban karo, waxay ku wacan tahay inaan marka hore fiirinno laamaha kala duwan ee computer science ku leeyahay, oo kala ah:

Xisaabaadka Asaaska u ah computer science ka ama ay ku dhisan tahay iyo theory-ga wax xisaabinta iyo algorithms ka. Qaybtan oo badanaa loo yaqaan Theoretical computer science waxa jira jaamacado bixiya isaga si khaas ah. Qofka bartaa wuxuu noqdaa qof ku shaqeeya abuurista dariiqooyin lagu xaliyo (algorithms) masaa’isha u baahan xal, oo la xiriiri kara cilmi kasta oo maanta jiri kara

Programming languages iyo abuuristooda. Qaybtan qofkii barta wuxu noqdaa qof abuura ama alifa barnaamijyada iyagu laftooda wax lagu program gareeyo.

Software Engineering oo isagu ah cilmi la xiriira samaynta barnaamijyada waa weyn iyo dariiqooyinka loo abuuro eekala duwan. Qofka bartaa wuxuu abuuraa, ka sokow barnaamijyada iyo nidaamyada computer ka, qaabab loo sameeyo iyo farsamooyin fududeeya isla hawsha barnaamij samaynta. Waxa qaybtan aad loogu khaldaa qofka barta inuu yahay programmer, laakiin xirfadda ama kartida qofku u leeyahay inuu wax barnaamij gareeyo waa mid udub dhexaad u ah qaybaha kala duwan ee computer science ka.

Systems Architecture: qaybtan waxay khusaysaa dhisidda computer-da iyo barnaamijyada computer ka laftiisa lagu maamulo ee loo yaqaan Operating Systems ka iyo waliba horumarintooda.

Communications: qaybtan waxa soo hoos gala networking ka aad ka u magaca dheer ee dadka badanaa ay garanayaan, gudbinta maqalka iyo muuqaalka, iyo kaydinta iyo ilaalinta ammaanka shabakadda, computer-ka, iyo xogta iyo macluumaadka (computer and network security). Qofka qaybtan ku takhasusaana wuxuu awood u yeelanayaa inuu maamulo shabakad xiriirinaysa computers badan inuu maamulo.

Databases: qaybtani waxay khusaysaa maamulidda iyo kaydinta xogta ay ku tiirsan yihiin nidaamyada macluumaad ee shirkaddahu badanaa hadda wada isticmaalaan; qof ka bartaana wuxuu noqonayaa Database Administrator/Developer ama designer, oo awood u leh inuu maamulo xogta iyo nidaamkaa kaydinaya, iyo inuu abuuro qaababka xogta loo kaydinayo.

Artificial Intelligence: waa qayb qaabilsan matalaadda qaabka maskaxdu u shaqayso si loogu dabaqo nidaamyada computerada. Illaa iyo hadda waxa sheegaa in ujeedadeedii wali ay gaarin ama ay u dhawayn, inkastoo isku dayo badan ay jiraan si loo abuuro qalab computer iskii u fekeraya go’aanadana u gaaraya iyadoo ay dad maamulayn.

omputer Graphics and Multimedia: oo qaabilsan habaynta muuqaalada iyo abuuristooda iyadoo la isticmaalayo computer. Waxa loo isticmaalaa si loo analyze gareeyo muuqaalada. Qayb ka mid ahi waxay si aad ah ula shaqaysaa Artificial Intelligence ka si qalabyada computer ka loogu sahlo inay aqoonsadaan muuqaalada kala duwan.

Qaybaha kala duwan ee computer science ku intaa kuma eka oo cilmigu waa ka ballaaran yahay. Qayb iskeed u taaganna ma jirto oo waa isku dhisan yihiin isna soo dhex galaan.

Maxaa u dhexeeya Computer Science iyo IT?

Faraqa u dhexeeya computer science iyo Information technology waxa lagu sheegaa inuu yahay in IT da – oo hadda badanaa loo yaqaan Information and Communications Technology (ICT) – ay tahay barashada isticmaalka computer-ada si loogu xaliyo hawlaha horyimaadda ganacsiga iyo xogta muhiimka u ah horumarkiisa. Badanaa waxa la isku xiraa dhawr nidaam oo ka kooban qaar shabakadeed ama network iyo nidaamyo macluumaad si shirkadda ama gacansiga isticmaalaya wax soosaarkiisa sare loogu qaado.

 

Maxaa looga baahan yahay qofka inuu barto raba cilmigan?

Su’aashan si aan uga jawaabo, aniga barashadaydii aan baranayay inaan ku saleeyo ayay ku quman tahay si sawir fiican aan uga bixiyo. Markaan bilaabayay waxaan wax ku soo bartay nidaam carabi ah, inkastoo English oo ah luqaddii ay duruustu ku baxaysay ay wax fiican iiga bilownaayeen. Luqaddii aan ku roonaa kaalin fiican ayay iiga soo baxday, oo waxaan is waydiiyaa marmar ka qaar haddii English kaygu uu eber ahaan lahaa sidaan uga bixi lahaa. Waxaan ula jeedo maaha in computer science uu English ku shardi u yahay, laakiin references ka iyo buugaagta si aad awood ugu yeelato inaad iskaa u akhrisato, iskaana wax badan wax isku barto, waxaad u baahan tahay mar walba waxaad baranaysaaba waxay noqdaan inaad luqaddii si fiican u hayso.

Waxa aan dhibaato badan kala kulmay dhanka xisaabta oo ah maaddo aad iyo aad uu ugu dhisan yahay computer science ku. Inkastoo aan sidaa ugu sii xumayn, hadana waxaan dareemayay mar walba xisaabtii dugsiga sare ku soo bartay iyo tii si gaar ah luqadda ingiriiska la iigu dhigay ay wali igu filayn. Waxaan kaloo u fiirsaday qofba qofku uga fiican yahay maadada xisaabta inuu maadooyinka science kana uga roonaanayo. Waxa inaan si fiican oo xiise leh inaan u dhameeyo barnaamijkii afarta sanno ahaa ii suuro galiyay, ilaahay mahaddii, laba sanno oo iiga horeeyay jaamacadda oo aan baranayay maadooyin la xiriira computer iyo Information Technology. Caqabadda dhanka xisaabtuna waxay ahayd mid ardayda soomaaliyeed intaan garanayay wada haystay; caqabad aan u aanaynayo manhajka daraasiga ah ee dugsiga sare ee 10 kii sanno ee la soo dhaafay inuu aad ugu liito dhanka maadooyinka science ka iyo xisaabta.

GUgu dambeyn qofka baranaya computer science ka iyo guud ahaan cilmi kasta waxaan kula talin lahaa kuna adkayn lahaa inuu marka hore naftiisa ku abuuro jacayl uu u qabo maadada uu baranayo ama baran doono. Waxay wax badan ka caawinaysaa in intuu wax baranayo – oo caadiyan ah muddo 4 sanno ah haddii uu Bachelors degree ku joojinayo waxbarashadiisa – in waxii uu baranayay uu u arkin culays uu is dhaafinayo balse uu u arko wax barashadooda uu ku raaxaysanayo, taasoo usii sahlaysa inuu noqdo qof hore isku mariya, wax soo saar iyo hal abuurnimana yeesha. Sidoo kale markaad dugsiga sare dhamayso hore jaamacadda ha uga dagdagin haddii ay suurogal kuu tahay, oo sanad ugu yaraan gali wixii aad baran lahayd inaad si fiican iskaga sii dhisto, waxay tahayna aad u ogaato. Waxa dhibaato ah in dad badan ay baxaan iyagoon runtii ogayn ujeedada iyo waxa ay usoo baxeen inay bartaan, kaliya waxa loo soo baxayaa in jaamacad la galo; jaamacaddu waa tee? Maxaad jeceshahay inaad barato? Su’aalaha qofka muhiimka u ah cid is waydiisaa ma jirto; wuxuu qofkii is arkaa sanad iyo laba kadib markuu waxbarashadii wado inay wixii ahayn wax uu rabay inuu barto ama uusan ba niyad u hayn. Waa khasaaro iskeed ah, ka kabsigeeduna u sahlanayn ciddii waqtigeeda ku xisaabtamaysa

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top