baro cilmiga computer ka
Cilmiga Kombuyuutarka: Barashadiisa iyo Waxay Kaaga Baahantahay Waxaan jeclahay qoraalkan gaaban inaan ku soo koobo inta suura galka ah waxay tahay maadadii aan afartii sanno ee la soo dhaafay dhiganayay oo ah Computer Science, wixii caqabado aan la kulmay, waxyaabaha aan u arko in ciddii danaynaysa ay u baahan tahay inay ogaato si ay si guul leh ugu dhamaysato barnaamijka Bachelor of Science in Computer Science. Computer Science, inta aan ka garanayo ama ay ku kooban tahay aqoontayda aan u leeyahayi, waa laan cilmiyada la barto ka mid ah oo qaybo badan leh, loona aqoonsaday laan cilmiyeed oo si rasmi ah loo barto 1960meeyadii. Waxa uu galay hadda computer ka barashadiisu meelo badan, oo maaha waqtigan la joogo wax computer la xiriira barashadoodu wax u khaas ah dadka computer science ka barta oo kaliya. Tusaale ahaan ardayda Business ka baranaysa maadooyin dhawr ah oo computer la xiriira oo ay bartaan Dhanka kalena computer science ku ma aha kaliya barashada computer ka iyo waxa la xiriira, waxana la aaminsanyahay inuu xiriir aad u weyn la leeyahay Xisaabta (Mathematics) iyo barashadeeda, illaa heer jaamacado badan ay is raaciyaan labada qaybood oo ay u xilsaaraan hal faculty ama department labadaa maaddo dhigistooda iyo wixii la xiriira. Intaa hadaan ka soo qaadno inay tahay hordhac, hadaba computer science muxuu sidiisu khuseeyaa oo uu yahay? Computer science waa barashada qawaaniinta ama sharciyada wax xisaabinta iyadoo la isticmaalayo qalabkaa elektroonik-ga ah (computer ka), waxayna nagu caawisaa si aan u fahanno sida computers-ku ay u xaliyaan masaa’isha xalka u baahan, noocyada uu xalin karo, iyo mas’aladii sidii computer ka loogu dhiibi lahaa si uu u xaliyo. Waxa sal u ah fikrado theoretical ah iyo asaas xisaabeed. Waxa lagu sheegaa in computer science ku uu keenay fikradaha iyo principles ka uu ku dhisan yahay ama abuuray cilmiga Information Technology-gu. Badanaana waa laysku khaldaa oo faraqa u dhexeeya labada field waxa ka jira doodo badan. Manaahijta ama sylubus ka jaamacaduhu badanaa laba waji ayay ku bixiyaan barnaamijka computer science ka: Qaar xoogga saara maadada qaybteeda theoretical ka ah, oo badanaa dhiga courses la xiriira algorithms ka iyo theory-ga computation ka Qaar xoogga saara barnaamij qoridda (computer programming) iyo courses ka la xiriira, taasoo u diyaarinaysa ardayga dhanka camaliga iyo suuqa barnaamijyada inuu galo. Waxayse dhammaan ka wada siman yihiin manaahijta rasmiga ah ee computer science ku inay ardayga ka dhisayaan laamaha kala duwan ee cilmigu uu leeyahay iyo mathematical reasoning ka, taasoo u suurogalinaysa qofka inuu noqdo qof xal abuura ama solutions provider waxay u yaqaanaan isagoo u isticmaalaya qalabka computer ka si xalkaas uu u hirgeliyo. Badanaa waxa ay dadku ku khaldaan qofka computer science ka barta inuu yahay programmer ama qof yaqaan sida barnaamijyada computer ka loo qoro. Inkastoo ay gartood tahay dadkaa maadaama manhajkii uu u muuqdo sidii inuu xoogga saarayo dhanka programming ka, hadana waxa jira faraq weyn. Qofka programmer ka ahi caadiyan waa qof yaqaan sida loo isticmaalo barnaamijyada computer ka lagu program-gareeyo; oo kama badna xal laga soo fekeray iyo dariiqooyin xaleed ay dad kale ka soo fekereen (algorithms) inuu u badalo mid shaqaynaya una jira barnaamij ahaan. Dhanka kale qofka computer science ka bartay, waa inuu noqdaa programmer ama qof luqadaa isagu yaqaan isticmaalkooda iyo wax ku program-garayntooda. Qofka barta computer science ku hadaan Somali nahay waxa laga yaabaa inay noogu muuqan in uu wax badan wadanka u qaban karo ama, waa midda noo muhiimsan badankeene, uu wax badan ka qabsan karayn. Waxaan aaminsanahay si kastoo dhulkii u qasan yahay, in waligeed iyadoo ay sedan iska ahayd horumar ku dhankiisa ka socday. Dadkii waxaad u malaysaa inay sii fahmayaan in nidaamyadoodii la wada badalo kuwo computerized ah ay ku jirto faaiido badan. Xitaa dawladdii aan wali salka yeelan ayaa nidaam computer oo loo isticmaalo passports ka iyo control-kooda ayaa lacag badan looga bixiyay. Ixtimaalaatka iyo fursaduhu ma yara, inkastoo rajo badan wadankii ay ka muuqan. Si fikrad aan uga qaadanno qofka barta computer science noocyada shaqooyinka u qaban karo, waxay ku wacan tahay inaan marka hore fiirinno laamaha kala duwan ee computer science ku leeyahay, oo kala ah: Xisaabaadka Asaaska u ah computer science ka ama ay ku dhisan tahay iyo theory-ga wax xisaabinta iyo algorithms ka. Qaybtan oo badanaa loo yaqaan Theoretical computer science waxa jira jaamacado bixiya isaga si khaas ah. Qofka bartaa wuxuu noqdaa qof ku shaqeeya abuurista dariiqooyin lagu xaliyo (algorithms) masaa’isha u baahan xal, oo la xiriiri kara cilmi kasta oo maanta jiri kara Programming languages iyo abuuristooda. Qaybtan qofkii barta wuxu noqdaa qof abuura ama alifa barnaamijyada iyagu laftooda wax lagu program gareeyo. Software Engineering oo isagu ah cilmi la xiriira samaynta barnaamijyada waa weyn iyo dariiqooyinka loo abuuro eekala duwan. Qofka bartaa wuxuu abuuraa, ka sokow barnaamijyada iyo nidaamyada computer ka, qaabab loo sameeyo iyo farsamooyin fududeeya isla hawsha barnaamij samaynta. Waxa qaybtan aad loogu khaldaa qofka barta inuu yahay programmer, laakiin xirfadda ama kartida qofku u leeyahay inuu wax barnaamij gareeyo waa mid udub dhexaad u ah qaybaha kala duwan ee computer science ka. Systems Architecture: qaybtan waxay khusaysaa dhisidda computer-da iyo barnaamijyada computer ka laftiisa lagu maamulo ee loo yaqaan Operating Systems ka iyo waliba horumarintooda. Communications: qaybtan waxa soo hoos gala networking ka aad ka u magaca dheer ee dadka badanaa ay garanayaan, gudbinta maqalka iyo muuqaalka, iyo kaydinta iyo ilaalinta ammaanka shabakadda, computer-ka, iyo xogta iyo macluumaadka (computer and network security). Qofka qaybtan ku takhasusaana wuxuu awood u yeelanayaa inuu maamulo shabakad xiriirinaysa computers badan inuu maamulo. Databases: qaybtani waxay khusaysaa maamulidda iyo kaydinta xogta ay ku tiirsan yihiin nidaamyada macluumaad ee shirkaddahu badanaa hadda wada isticmaalaan; qof ka bartaana wuxuu noqonayaa Database Administrator/Developer ama designer, oo awood u leh inuu maamulo xogta iyo nidaamkaa kaydinaya, iyo inuu abuuro qaababka xogta loo kaydinayo. Artificial Intelligence: waa qayb qaabilsan matalaadda qaabka maskaxdu u shaqayso si loogu dabaqo nidaamyada computerada. Illaa iyo hadda waxa sheegaa in ujeedadeedii wali ay gaarin ama ay u dhawayn, inkastoo isku dayo badan ay jiraan si loo abuuro qalab computer iskii u fekeraya go’aanadana u gaaraya